Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta

Gudniinka Fircooniga (Af Ingiriis: Female genital mutilation; Af Carabi: ختان الإناث) (sidoo kale loo yaqaano Fircooni) waa goynta meel ka mid ah xobinta taranka dumarka gaar ahaan Kintirka waa caado dhaqameed soo jireen ah ee ka jirta Soomaaliya.
Gudniinka waxa uu meesha ka saaraa qeyb ka mid aha xubinta taranka dumarka, sida macaga aa laga arko caadadaan waxay Soomaaliya ka soo gaartay faraaciintii, kuwaas uu gudi jiray gabdhaha inta ay yeryihiin.
Dalalka gudniinka laga sameeyo way ku kala duwanyihiin qaab gudniinka hadba dal, Soomaaliya waxaa la gudaa gabdhaha marka ay afar sano soo gaaraan, gudniinka waxaa loo adeegsadaa sakiin ama middii oo ay suuragal tahay in aan la nadiifin.
Caadadan waxaa soo bandhigtay Waris Diiriye, oo ah moodel caan ah ila markaana noqotay safiirka gaarka ah ee Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (1997-2003). Si waafaqsan dhaqanka Soomaalida ee maxalliga ah, iyada oo ilmo ah ayay hooyadeed ku samaysay Fircooniga. Sida lagu sheegay warbixin, inta u dhexeysa sideed ilaa toban milyan oo haween iyo gabdho ah oo ku nool Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa halis ugu jira in lagu sameeyo gudniinka Fircooniga. Xitaa dalka Mareykanka, qiyaastii 10,000 oo gabdhood ayaa halis ugu jira.
Dhibaatooyin badan oo la ga la kulmo gudniinka fircooniga, sida dareenka qofka oo yeraada, caadada oo aan uga imaan si quman, dhalamada oo dhib ku ah iyo dhiigbax. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...

- ... in Gob (Sawirka) uu yahay geed weyn oo dhalo miro yaryar oo jaalle ah?
- ... in miraha gobku ay yihiin miro macaan oo laga helo Soomaaliya oo dhan?
- ... in geedka gobka uu si gaar ah ugu badan yahay caasimadda Muqdisho oo uu ka baxo agagaarka guryaha?
- ... in gobku uu ka baxo waddamo badan oo ku yaalla caalamka?
- ... in miraha gobka loo isticmaalo cunto ahaan marka ay bislaadaan?
- ... in geedka gobku uu ka mid yahay geedaha miraha laga helo ee ku baxa deegaanno kala duwan?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Taariikh

Farta Boorama (sidoo kale loo yaqaano: Far Gadabuursi) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama, oo noqonaysa sababta farta loogu magacdaray magaaladaasi.
Toban sano ka hor intii aanu Sheekh Cabdiraxmaan alifin farta waxaa soo baxdey Farta Cusmaaniya taasi oo noqoneysa fartii ugu horeeysay dhulka Soomaaliyeed. Markii farta Borama soo shaacbaxdey waxay noqotey mid ka sahlan qorista iyo akhriska isla markaana ka shaqallo badan farta Cusmaaniyada. Dad badan oo wakhtigaasi isbarbardhigay waxay ku sheegeen farta Boorama in ahayd midii ugu casrisanayd geyiga Soomaalida wakhtigaas. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan

Af-Soomaali waa luqad Afro-Aasiyatik ah oo ay leedahay laanta Kushiitik . Waxay afka hooyo u tahay Soomaalida ku nool dhulka Soomaaliweyn iyo qurbo joogta Soomaaliyeed. Afka Soomaaliga waa afka rasmiga ee Soomaaliya Afka Soomaaliga waxaa ku hadla Soomaalida ku nool dalka Soomaaliya , Jabuuti , Itoobiya , Yemen , Kenya , iyo qurba joogta Soomaalida . Waxaa sidoo kale ku hadlo dad tiro yar oo ka soo jeeda qowmiyadaha tirada yar ee ku sugan agagaarkaas Laga soo bilaabo 2016, waxaa jiray dad gaaraayo ku dhawaad 36.6 milyan oo qof oo ku hadla af soomaaliga, oo kala degan dhulka soomaali wayn, taas oo ku dhawaad 15 milyan ay ku noolyihiin Soomaaliya. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Daanyeer .
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
|
|
|
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo

















